Xabsiga magaalada Burco oo laga daad gureynayo meydad iyo bukaano

Xabsiga magaalada Burco oo laga daad gureynayo meydad iyo bukaano

daajis.com:- Wararka naga soo gaaraya Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer, ayaa sheegaya in halkaasi ay ku dhinteen ilaa laba ruux.

Labadani ruux ayaa ku dhintay Xabsiga weyn ee Magaalada Burco, waxaana la tilmaamay inay sababsadeen xanuunka Shuban Biyoodka.

Goobaha caafimaadka ayaa waxaa sidoo kale saaka la dhigay inkabadan 52 Ruux oo kamid ahaa maxaabiista kuwaa oo uu ku dhacay xanuunka shuban biyoodka.

Saraakiisha Xabsiga Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer ayaa saxaafada u xaqiijiyay in labo ruux ay Xabsiga ugu dhinteen Xanuunka Shubanka.

Waxa ay sheegen inay suuragal tahay in maxaabiis kale ay maraan wadadaasi, haddii aan xal loo helin.
Si kastaba. Saraakiisha Xabsiga ayaa iminka ku howlan daad gureynta meydadka iyo bukaanada kale ee ku dhex xanuunsaday Xabsiga.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada