Xaqiiqooyinka laga bartay kulankii ay Arsenal ka tallaabsatay Man Utd & Rikooro farxad gelinaya tababare Arsene Wenger

Xaqiiqooyinka laga bartay kulankii ay Arsenal ka tallaabsatay Man Utd & Rikooro farxad gelinaya tababare Arsene Wenger

daajis.com:-  ayaa halkaan idinkugu soo gudbin doonta xaqiiqooyinkii  ugu muhiimsanaa ee laga bartay ciyaartii ay Arsenal guusha 2-0 ah ka gaartay kooxda Manchester United kana dhacday garoonka FLY Emirates Stadium.

Kulankaani wuxuu ka tirsanaa ciyaaraha wareegga 36aad ee horyaalka EPL, waxaana xusid mudan inuu taariikh gooni ah u sameeyey tababaraha maamula Gunners ee Arsene Wenger.

Arsenal ayaa soo afjartay 25 kulan oo guuldarro la’aan ah oo weliba xiriir ah oo ay ku jirtay kooxda tababare Mourinho ee Man United ka dib guushii galabta ay ku gaartay Waqooyiga London.

Tababare Arsene Wenger ayaa ka adkaaday Jose Mourinho ciyaar horyaalka England Premier League ah markiisii ugu horreysay 13 jeer oo ay labadoodu iska hor yimaadeen, kuna darso in 5 jeer Wenger laga badiyey halka todobo jeer ay isku garbo dheceen.

Weeraryahanka Arsenal Danny Welbeck ayaa haatan gool ka dhaliyey kooxdiisii hore ee Man United kulan kasta oo ka mid ah ah seddaxdiisii kulan ee ugu dambeysay ee uu wajahay isagoo xiran maaliyadda Arsenal.
Manchester United ayaa laga adkaaday laba kulan oo xiriir ah oo horyaalka Premier League ah iyadoo marti u ah kooxda Arsenal markii ugu horreysay tan iyo bishii November 2001dii.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 06:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada