Arsene Wenger oo soo afjaray habaarkii ka heystay inuu garaaco Jose Mourinho kulamada horyaalka.

Arsene Wenger oo soo afjaray habaarkii ka heystay inuu garaaco Jose Mourinho kulamada horyaalka.

daajis.com:-  Kadib 13-sano oo uu Arsene Wenger baadi goob ugu jiray inuu guul ka gaaro Jose Mourinho kulamada horyaalka – maanta ayuu ku guuleystay madama ay Arsenal 2-0 kaga adkaatay Manchester United kulan ka tirsan horyaalka oo ka dhacay garoonka Emirates Stadium.

Arsene Wenger wuxuu iska dulqaaday heeryadii Jose Mourinho madama uu 15-kulan oo uusan ka adkaan ugu dambeyn guuldaro dhabarka u saaray ninka ay sida daran u xifaaltamaan ee Jose.

12-jeer oo ay horay u kulmeen ka hor kulankii Emirates – Jose ayaa badiyay 7-jeer, halka 5-ta jeer ee kale ay barbaro galeen.

Markii ugu dhaweyd oo uu Arsene Wenger ku dhawaado inuu ka badiyo Jose Mourinho waxey aheyd December 2006 kulan 1-1 ku dhamaaday oo dhexmaray Arsenal iyo Chelsea markaas oo uu Michael Essien dhaliyay goolka barbaraha daqiiqadii 84-aad.

Markii ugu xumeyd ee uu Jose Mourinho guul ka helo Arsene Wenger waxey aheyd kulankii 1,000-aad ee Arsenal kulamada Premier League markaas oo 6-0 lagu xasuuqay March 2014.
Mudada labada macalin ee Manchester United laba jeer ayey is arkeen kulankii hore waxaa Wenger guul u diiday Olivier Giroud oo daqiiqadii 89-aad gool barbardhac u dhaliyay kulankii ka dhacay Old Trafford.

Laba gool oo ay kala dhaliyeen Granit Xhaka iyo Danny Welbeck ayaa guul ka siiyay Arsene Wenger dhigiisa Jose Mourinho.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 07:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada