Madaxweyne Donald Trump oo Lagu Bilaabay Baaritaan la Xiriira Cilaaqaadka Ruushka (VIDEO)

Madaxweyne Donald Trump oo Lagu Bilaabay Baaritaan la Xiriira Cilaaqaadka Ruushka (VIDEO)

daajis.com:- Jaraa’id yada ka soo baxa dalka maraykanka ayaa qoray in Dambi baaraha gaarka ah ee baaraya saameyntii Ruushka uu ku lahaa doorashadii madaxweyne ee sanadkii tagay 2016-ka ee ka dhacday dalka Mareykanka, inuu baaritaankiisa ballaariyey kuna daray inuu eego haddii madaxweyne Trump uu is-hortaag ku sameeyey baaritaanka ku socdo xafiiskiisa.

Warkan ayaa waxaa shaaca ka qaaday wargeysyada Washington Post, New York Times iyo Wall Street Journal, oo ah jaraa’idyo laga xushmeeyo dunida oo la hadlay dad hoose oo la socda baaritaanka.


Wargeysyadan ayaa qoray in Robert Mueller oo ah ninka baaritaanka ku hayo arintan uu qorsheynayo inuu wareysto agaasimada Sirdoonka Qaranka Dan Coats, agaasimaha hay’adda amniga qaranka ee NSA Michael Rogers iyo agaasime ku xigeenkii hore Richard Ledgett.

Sida ay sheegeen wargaysyadan Washington Post iyo Wall Street Journal, Ledgett ayaa qoray xusuus qor uu kaga hadlayo taleefon uu Trump u diray agaasimada Sirdoonka Qaranka ee Dan Coats, kaasi oo madaxweyne Trump uu Coats ku weydiistay inuu si shaacsan u sheego in ololihiisa doorasho uusan xiriir hoose la lahayn Ruushka.

Wargeyska Washington Post ayaa sidoo kale qoray in Trump uu codsi sidaas oo kale ah u gudbiyey Michael Rogers oo ah agaasimaha hay’adda amniga qaranka oo marka la soo gaabiyo loo yaqaan (NSA).



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada