MUUQAAL: Agaasimihii hore ee FBI-da oo Sirtii ugu Cuslayd maanta sheegay“ Donald Trump daacad ii noqo ayuu yiri”

MUUQAAL: Agaasimihii hore ee FBI-da oo Sirtii ugu Cuslayd maanta sheegay“ Donald Trump daacad ii noqo ayuu yiri”

daajis.com:- Agaasimihii hore ee Xafiiska FBI-da dalka Maraykanka, James Comey, ayaa maanta ka hor cadeeyay Guddiga sirdoonka Senate-ka dalka Maraykanka, baaritaankiisa ku aadana xiriirka Trump iyo Rushka.

Guddiga sirdoonka Senate-ka Mareykanka ayaa daabacay caddeyn uu siiyay Agaasimihii FBI-da ee xilka laga qaaday, taas oo uu ku sheegayo in Madaxweyne Trump uu waydiistay inuu faraha ka qaado baaritaanka uu ku hayay lataliyihiisii hore ee dhanka ammaanka.

James Comey, ayaa faafaahin ka bixiyay 5-ta jeer ee ay wadahadleen Madaxweynaha iyadoo markastana uu Trump si ku celcelis ah u dalbanayay inuu daacad u noqdo, Waxa uu sheegay in Trump uu ku sheegay baaritaanka Ruushka ka dhanka ah “daruur” dul taagan.

Mr Comey, ayaa markii ugu horeysay horyimid Senate-ka tan iyo markii uu Madaxweyne Donald Trump uu shaqadda ka eryay 9-ka bishii May.


Agaasimihii hore ee  FBI-da Mareykanka, James Comey, ayaa  intii uu ahaa Agaasimaha xaqiijiyay in ay baarayaan eedaha sheegaya in dowladda Ruushka ay faragelin ku sameysay doorashadii madaxtinimada ee dalka Mareykanka ee dhacday dabayaaqada sanadkii hore.

James Comey, ayaa guddiga mukhaabaraadka ee Kongareeska u sheegay in FBI-du ay baarayaan in uu jiray wax wada shaqeyn ah oo ka dhaxeeysay kooxda maamuleysay ololaha doorashada Trump iyo dowladda Ruushka.

Madaxweyne Trump ayaa dhowr jeer oo hore ku gacan seyray eedeymahaasi.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada