MUUQAAL: Jabuuti si Balaadhan looga Xusay Maalinta Xornimada, Dhoolatus iyo Dhambaal ay ka Heleen Farmaajo

MUUQAAL: Jabuuti si Balaadhan looga Xusay Maalinta Xornimada, Dhoolatus iyo Dhambaal ay ka Heleen Farmaajo

daajis.com:- Djabuuti 27 June sanadkii 1977 ayay aheyd markii Jabuuti ay xornimada ka qaadatay Gumeystihii Faransiiska, waxaana Soomaaliya ka mid aheyd wadamada ka qeyb qaatay, sidii Jabuuti ay u heli laheyd xornimada, Waxaana Xalay iyo maanta Dabaal deg wayn lagu qabtay dalkaasi Jabuuti.


Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aadan 40 guuradii ka soo wareegatay markii xornimada ay qaadatay Jabuuti u diray dowladda iyo shacabka reer Jabuuti.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay farxada la qeybsanayaan walaalaha Jabuuti oo u dabaal dagayay maalintan qiimaha badan ee markii xornimada ka qaateen gumeystihii Faransiiska.

“Waxaan hambalyo u dirayaa dowladda iyo shacabka Jabuuti ee walaalaheena ah, oo u dabaal degaya maalintan qiimaha badan oo ah markii Xoriyadda ka qaateen gumeystihii Faransiiska”ayaa lagu yiri war qoraal ah oo uu soo saaray Madaxweynaha.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dhambaal u diray dhiggiisa Jabuuti, isagoo ugu hambalyeeyay 40-guurada ka soo wareegatay maalinta Xornimada Jabuuti.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada