MUUQAAL: Madaxwaynaha Turkiga oo Luuqad adag kaga Jawaabay Qodobo Lasoo Hordhigay Dawladda Qadar

MUUQAAL: Madaxwaynaha Turkiga oo Luuqad adag kaga Jawaabay Qodobo Lasoo Hordhigay Dawladda Qadar

daajis.com:- Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa soo dhaweeyay go’aanka ay dowladda Qatar isu dul taagtay qodobadii ay soo bandhigeen dalalka xiriirka u jaray Qatar, isagoo sheegay in shuruudahaasi yihiin kuwo kasoo horjeeda shuruucda caalamiga ah.


Dowladda Qadar ayaa sheegtay in ay soo gaareen shuruudaha ay soo bandhigeen dalalka xiriirka u jaray, waxayna sheegtay in ay yihiin kuwo lala yaabo, dhawaanna ay kasoo saari doonaan go’aan rasmi ah.

“Waxaan soo dhaweeynaynaa go’aanka ay dowladda Qatar qaadatay, waxaan u aragnaa in 13-kaa qodob ay ka horimanayaan shuruucda caalamiga ah,” ayay wakaaladda wararka dalkaasi ee Anadolu kasoo xigatay madaxwaynaha.

Dowladda Turkiga ayaa taageertay Qatar, kadib markii Sucuudiga iyo dalal badan oo carbeed ay xiriirkii u jareen Qadar, Iyadoo Turkuiga uu ciidamo u dirtay Qatar, kuwaa oo ay sheegeen in ay qeyb ka qaadan doonaan ilaalinta ammaanka gobolka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada