MUUQAAL: Madaxweyne Farmaajo oo Salaadii Jimce Bulshada Kula Tukaday Masajidka Isbaheysiga iyo Khudbadii

MUUQAAL: Madaxweyne Farmaajo oo Salaadii Jimce Bulshada Kula Tukaday Masajidka Isbaheysiga iyo Khudbadii

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta boqolaal ruux salaadii jimcaha kula dukaday masaajidka Isbaheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho, Isagoo Halkaasi khudbad ka jeediyay, wuxuuna ka hadlay arrimo kala duwan, waxaa uu sheegay in Al-Shabaab inay doonayaan inay waji xumeeyaan Diinta Islaamka.


Madaxweynaha  ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab inay caadeysteen inay daadiyaan dhiigga shacabka, isagoo ku baaqay inay muhiim tahay in hal meel looga soo wada jeesto. “Waxay doonayaan inay waji xumeeyaan diinta Islaamka, iyagoo magac diin sheeganaya ayay hadana rabaan inay daadiyaan dhiigga Islaamka”ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in ciidamada ku shaqada leh xasilinta amniga caasimadda aysan kaligood waxba qaban karin, haddii aysan helin taageerada Shacabka, kana codsaday inay xoojiyaan la shaqeynta laamaha amniga.
Ugu danbayntii wuxuu  hoosta ka xariiqay in dowladdu ay xoogga saareyso sidii shacabkeeda ay ugu adeegi lahayd si daacadnimo ah, balse shacabka looga baahanyahay inay door ka qaataan xaqiijinta amniga oo ay ciidamada la shaqeeyaan, maadaama ay habeen iyo maalin u taaganyihiin difaaca Qaranimadooda.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada