R/wasaare Kheyre oo kulan deg deg ah La qaatay Saraakiisha Amniga (Video)

R/wasaare Kheyre oo kulan deg deg ah La qaatay Saraakiisha Amniga (Video)

daajis.com:-Ra’isul Wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kulan deg deg ah la qaatay saraakiisha Amniga Dalka ka dib qarixii shalay lagu weeraray xarunta Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.


Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa saraakiisha amniga u sheegay in aan loo dulqaadan karin in kooxda nabad diidka ah ee Al-shabaab ay helaan Fursad ay Shacabka ku waxyeeleyn karaan asaga oo xusay in ciidamada amaanka laga doonayo in ay si adag uga hortagaan dhacdooyinka nuucaan ah oo ay kooxda shabaab shacabka ku waxyeeleynayaan.

Saraakiisha amniga Dalka ayaa Ra’isul Wasaare kheyre uga warbixiyey sida uu dhacay qarixii ka dhacay xarunta degmada Wadajir iyo baaritaanada dheeriga ee la xiriira qarax oo ilaa iminka socdo.

Saraakiisha amniga iyo ciidamada Xasilinta Caasimadda ayaa wado dadaalo adag oo ay ku doonayaan in ay ku naafeeyaan kooxda nabad diidka ah ee Al-shabaab.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada