Sawirro: Toogasho ka dhacday baarlamanka Iran iyo qabriga Khumeyni oo la qarxiyay

Sawirro: Toogasho ka dhacday baarlamanka Iran iyo qabriga Khumeyni oo la qarxiyay

daajis.com:- Majalada Daily Mail ayaa sheegtay  in 7 qof ay dhinteen kuwa kalane ay ku dhaawacmeen weerar hubeysan oo lagu qaaday dhismaha xarunta Baarlamaanka ee magaalada Tahran, iyadoo weliba ay jiraan dad la af duubtay

Qofk ka mid ah dadka  dhintay ayaa kamid ahaa ciidamada Booliska ee ilaalada ka hayay xarunta Baarlamaanka wadanka iiraan, warkan oo ah mid hordhac ah waxaa lagasoo xiganayaa warbaahinta afka xukuumadda ku hadasha.

Toogasho ayaa lasoo sheegayaa in ay ka dhacday xarunta dhismaha baarlamaanka oo ah goob ammaankeeda si aad ah loo adkeeyo.

Dhinaca kale qarax weyn ayaa laga maqlay Qabriga  Alkhumeyni oo kuyaal Koonfurta wadanka iiraan, Afhayeen uhadlay xukuumadda Shiicada iiraan ayaa xaqiijiyay in weerar xooggan lagu qaaday Qabri ay ku aasanyihiin hoggaamiyaal shiico ah.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in sedax dagaalyahan oo naftood hurayaal ah ay weerareen qabriga kadibna waxaa lamaqlay qaraxyo iyo rasaas xooggan oo lays dhaafsanayo.

Ciidamo badan ayaa la soo dhigey gudaha iyo banaanka baarlamaanka dalka Iran waxaana soo baxaya warar sheegaya in ugu yaraan saddex ruux oo hubeysan ay weerartay xarunta baarlamaanka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada