Wasiir ka tirsan Xukuumadda oo ka hor yimid amar ka soo baxay Xeer Ilaalinta Qaranka

Wasiir ka tirsan Xukuumadda oo ka hor yimid amar ka soo baxay Xeer Ilaalinta Qaranka

daajis.com:- Wasiirka Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa ka soo horjeestay amar ka soo baxay Xeer Ilaalinta Qaranka, kaasoo ahaa dacwad loo heysto Cumar Faaruuq oo sheegta inuu madax u yahay Ururka NUSOJ.

Warqadan ka soo baxday Xeer Ilaalinta ayaa lagu faray Cumar Faaruuq in xafiiska Xeer Ilaalinta uu ku hor yimaado maanta, si wax looga weydiiyo dacwado laga soo gudbiyay.

Hase ahaatee qoraal uu bariisa Facebook soo dhigay Wasiir Xoosh ayaa shaki geliyay sharcinimada amarka ka soo baxay Xeer Ilaalinta, isla markaana qodoboka mid ah qoraalka ku tilmaamay mid ka hor imaaneysa Dastuurka.

Wasiirka ayaa sheegay in qofna loo diidi karin shir ay qabsato, isla markaana qodobo ka mid ah eedeynta xeer ilaalnta soo jeedisay ay ka hor imaaneyso Dastuurka, Arrintan ayaa muujineysa sida hey’adaha dowladda u kala socdaan.

Lama oga xaalada ay ka dhex abuuri doonto Wasaaradda Warfaafinta iyo Wasaaradda Dastuurka arrinta dacwada ee taala Xeer Ilaalinta Qaranka, maadaama Wasiir Xoosh uu cuskanayo qodobo ka mid ah dastuurka in dacwada xeer ilaalinta ay ka soo horjeedo Dastuurka.
Halkan hosoe ka daawo qoraalkii Wasiirka soo dhigay bartiisa Facebook iyo amarkii Xeer Ilaalinta

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 06:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada