XOG: Soomaaliya oo dhowr arrin dartood xiriirka ugu jari karin dowladda Qatar…….

XOG: Soomaaliya oo dhowr arrin dartood xiriirka ugu jari karin dowladda Qatar…….

daajis.com:- Waxaa cirka isku shareeray khilaafka u dhaxeeya dowladda Qatar iyo sidoo kale qaar kamid ah dalalka carbeed, kadib markii dowladdaasi lagu eedeeyay iney xiriir la leedahay Argagaxisada.

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda waxaa iyana laga sugayaa go’aanka ay ka qaadan doonto dowladda Qatar, oo marna saaxiib dhow dalka la ah.

Hadaba dowladda Federaalka ah degdeg kuma jiro, mana ahan in markaan ay degdeg u qaadato ammarka Sacuudiga ah ee xiriirka haloo jaro dowladdan.

Sababo badan ayeeysan dowladda Soomaaliya xiriirka ugu jari karin Qatar, waxaana kamid ah:

1- Qadar oo saaxiib dhow la ah Turkiga

2- Qadar oo mashaariic badan ka fulisay Soomaaliya

3-Qatar oo Mashaariic kale usoo wadda dalka

4- Qatar oo dalkeeda ku hayso Soomaali badan, walibana Soomaalida dibadda ka yimaada ay halkaasi degaan

5- Dowladda Qatar oo mar walba isku deyda in dhibaatada la qeybsato Shacabka Soomaaliyeed
Dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo waxa kaliya ee hadda laga filan karo ayaa ah iney raacdo dalalka doonaya in la xalliyo khilaafkan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada