Xog:- Tiradii ugu horeysay dhimashada weerarka Puntland oo la xaqiijiyey

Xog:- Tiradii ugu horeysay dhimashada weerarka Puntland oo la xaqiijiyey

daajis.com:- In ka badan 50 qof oo isugu jira ciidamada Puntland iyo al-Shabaab ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerar culus oo saaka waabarigii maleeshiyo hubeysan oo ka tirsan al-Shabaab ay ku qaadeen xero ay leeyihiin ciidamada Puntland oo ku taalla gobolka Bari.

Weerarkan oo bilowday afartii aroornimo ayaa waxay maleeshiyadu gudaha u galeen xerada tuullada Af urur oo 105 km koonfur galbeed kaga beegan magaalada Boosaaso.

Wararka laga helayo goobta dagaalku ka dhacay ayaa sheegaya in in ka badan 50 qof ay dhinteen oo labada dhinac ka tirsan kuwaasi oo wali maydkoodu haatan yaallo goobtii lagu dagaallamay.

Dadka dhintay waxaa ku jira saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada daraawiishta ee Puntland.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in 61 askari ay ka dileen maamulka Puntland, dhinaca kale, maamulka Puntland ayaan wali wax war ah ka soo saarin dagaalka ka dhacay xerada Af-Urur.

Cisbitaalka degmada Carmo ayaa waxaa la sheegayaa inay la gaarsiiyay in ka badan 30 askarta Puntland ka tirsan oo dagaalka ku dhaawacmay.

Isha: VOA

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada