Qorsho cusub: NISA oo yeelaneysa ciidamo cusub & Isticmaalka Gaadiidka dagaal iyo Hubka oo laga maamnuucayo

Qorsho cusub: NISA oo yeelaneysa ciidamo cusub & Isticmaalka Gaadiidka dagaal iyo Hubka oo laga maamnuucayo

daajis.com:- Maxamed Abuukar Islow ”Ducaale”, Wasiirka amniga Somalia ayaa daboolka ka qaaday inay ku howlan yihiin qorsho isbedel loogu sameyn doono ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ee ”NISA”.

Wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow ”Ducaale”, waxa uu tilmaamay in Hay’adda loo rogi doono ciidamo dhar cad ah, isla markaana laga guuri doono ciidamada labisan.

Waxa uu Ducaale sheegay in arrintaasi ay uga gol leeyihiin dib usoo celinta maqaamka Sirdoonka Somalia, iyadoo la tixraacayo sida ay ku shaqeyn jirtay dowladii dhexe ee Somalia.

Wuxuu sheegay in Hay’adda laga fogeyn doono Hubka qoryaha ah oo ay wataan ciidanka, Gaadiidka dagaal iyo dharka ciidanka oo ay ku labisan yihiin.

Wasiirka amniga ayaa sheegay ammaanka Magaalada Muqdisho dowladda inay u sameysay qorshe cusub oo amniga si weyn loogu xaqiijin doono.

Ciidanka NISA ayaa qaabka hadda ay ku shaqeeyaan waxa ay tahay inay hubaysan oo ciidanka Magaalada jooga laga dhex garto, halka ciidamada dharcadka ee NISA ay yihiin kuwa aad u yar oo aanan sidaasi u badneyn.
Geesta kale, Wasiir Ducaale ayaa ballanqaaday in ciidamada dhar cadka ee lagu daadin doono dhammaan magaalada iyo Gobolada loo dhameystiri doono xuquuqda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada