Sargaal Somali ka tirsan Booliska Mareykanka oo toogasho ku dilay Haweeney Cadaan ah (Sidee ayuu u dhacay)

Sargaal Somali ka tirsan Booliska Mareykanka oo toogasho ku dilay Haweeney Cadaan ah (Sidee ayuu u dhacay)

daajis.com:-Sida ay baahiyeen Jaraa’idyada kasoo baxa dalka Mareykanka Sargaal Somalia ah oo ka tirsan cidamada Booliska Mareykanka ayaa toogasho ku dilay Haweeney Cadaan ah.

Sargaalkan oo lagu magacaabo Maxamed Nuur, ayaa la sheegay in dhowr rasaas uu ku dhuftay Haweeneyda oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Australia.

Haweeneydan oo lagu magacaabi jiray Justine Damond, ayaa la toogtay xili ay ku sugneyd magaalada Minneapolis dalka Mareykanka, waxa uuna Maxamed Nuur ciidanka ku biiray sanadii 2015-ta.

Mid kamid ah Saraakiisha goobjooga ka ahaa falka oo warbaahinta maxaliga ah la hadlay ayaa sheegay in dhacdada ay timid kadib markii haweenaydaasi ay soo wacday labo Sarkaal oo Booliska ka tirsan, ka dibna ay tageen gurigeeda ,halkaasi ay xabad ka dhacday.

Justine Damond, oo ku cusbeyd dalka Mareykanka ayey Booliska u arkeen inay tahay mid u maleegtay shirqool, maadaama ay goobta ka dhaceen rasaas isla markaana qudheedu aheyd mid ku cusub dalka.
Geesta kale, waxaa dhacdadan ka gaabsaday Booliska oo iyagu diiday inay kusii fogaadan qaabka uu dilka u dhacay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada