DAAWO:- Khasaaraha ka dhashay dagaal dhexmaray ciidamada Jubbaland & Al-shabaab

DAAWO:- Khasaaraha ka dhashay dagaal dhexmaray ciidamada Jubbaland & Al-shabaab

daajis.com:- Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa weerar xoogan ku qaaday Saldhigyo ay maleeshiyaadka Al-shabaab ku lahaayen deegaanka Miidow oo hoostaga Afmadow.

Ciidamada oo qaaday weerar gaadma ah ayaa burburiyay Saldhigyo ay maleeshiyaadka ku lahaayen deegaanka.

Ciidamada maamulka iyo kuwa Al-shabaab ayaa halkaa ku dagaalamaayay ku dhawaad laba saac oo xiriir ah, waxaana la sheegay in dagaalkaasi lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab.

Abaanduulaha Ciidamada Jubbaland aagga Afmadow Mahad Maxamed Islaam, oo la hadlay Idaacada VOA-da ayaa sheegay in uusan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dhankooda, balse Shabaabkii ay weerarka ku qaadeen ka dileen 2 Dagaalyahan.

Waxa uu abaanduulaha sheegay in iminka ay ku sugan yihiin degaanka Miidow, halka maleeshiyaadkii ay la dagaalamayeen ay isaga baxeen dhammaan Saldhigyadii ay ku lahaayen deegaanka.

Sidoo kale, dagaalka ayaa waxaa banaan joog ka ahaa Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, waxaana keli ku ahaa ciidamada Jubbaland.

Si kastaba ha ahaatee, maleeshiyaadka laga saaray Saldhigyada ayaa waxaa laga cabsi qabaa in mar kale ay qaadan weerar rogaal celin ah.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada