ONLF oo sheegtay in Qalbi Dhagax lagu wareejiyey Itoobiya Xilli DFS ay weli ku adkeysaneyso inay gacanta ku heyso

ONLF oo sheegtay in Qalbi Dhagax lagu wareejiyey Itoobiya Xilli DFS ay weli ku adkeysaneyso inay gacanta ku heyso

daajis.com:- Iyadoo Dowladda Soomaaliya ay weli ku adkeysaneyso inaysan dowladda Itoobiya ku wareejin Sargaalka ka tirsanaa jabhadda ONLF oo lagu magacaabo Cabdikarin Sheekh Muuse, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Jabhada ONLF.

Qoraal kooban oo ay baahisay Jabhada ayaa waxaa lagu sheegay in dhiibitaanka Cabdikarin Sheekh Muuse ay ka danbeysay dowlada Somalia, kadib wadahadal ay la galeen Saraakiil ka soctay Ethiopia.

Qoraalka Jabhada ONLF waxaa lagu sheegay inay nasiib darro tahay in dowlada Somalia ay ka weecato xeerka caalamka iyo kan Soomaalida, isla markaana muwaadinkaasi uu xaq u leeyahay inuu ciso ugu noolaado dalkiisa.

Waxaa lagu sheegay in Cabdikarin Sheekh Muuse ”Qalbi Dhagax”, uu muddo 3 sano ah degnaa magaalada Muqdisho balse uu u tegey magaalada Gaalkacyo in uu magaalada Muqdisho keeno wiil ku xanuunsanayay Gaalkacyo kaasoo uu adeer u ahaa.
Nuqul kamid ah ahaa qoraalka ayaa waxaa lagu yiri ”Madaxweynaha, Ra’isal wasaaraha Soomaaliya iyo safiirka Ethiopia ayaa ka shaqeeyay qorshaha lagu soo qabtay isla markaana Sargaalka loogu gacan geliyay dowlada Ethiopia ”Qalbi Dhagax”.

Sidoo kale, Jabhada waxa ay sheegtay in dowlada Somalia ay meelo khaldan ka raadineyso xiriirka adduunka, balse ay si cad uga weecatay xeerka adduunka waxna laga weydiin doono Madaxda ugu sareysa.

Sida aan illo wareedyo rasmi ah ka helanay dowladda Soomaaliya ayaa weli gacanta ku heyso sarkaas, waxaana arrintaas Caasimadda Online u xaqiijiyey xafiiska Wabaahinta ee Madaxtooyada Soomaaliya.

Ilaa hadda si rasmi ah dowladda Soomaaliya ugama aysan hadlin kiiskaan muranka badan dhaliyey, waxaana laga war sugayaa halka uu ku dambeyn doono mustaqbalka Sarkaalkaan la sheegay inay si weyn u doon dooneyso Itoobiya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada