DAAWO:- Madaxweynaha Turkiga oo hab maamuus sare u sameeyay safiirka Somalia

DAAWO:- Madaxweynaha Turkiga oo hab maamuus sare u sameeyay safiirka Somalia

daajis.com:- Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa shalay ku qaabilay aqalka madaxtooyada Turkiga Safiirka cusub ee dowladda Soomaaliya u fadhin doona dalkaas Amb. Jaamac C/llaahi Maxamed (Jaamac Ceydiid).

Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Turkiga Jaamac Ceydiid ayaa si hab maamuus sare loogu soo dhoweeyay Madaxtooyada Turkiga, wuxuuna waraaqahiisa aqoosniga safiirnimo ka guddoomay Recep Tayyib Erdogan oo si wada jir ahna u wada qaabilay mas’uuliyiinta safaaradda Somalia.

Jaamac Caydid oo madaxweyne Farmaajo magacaabay ayaa ah ganacsade aan xil dowladeed horay usoo qaban, waxaana hab maamuuskii lagu qaabilay ay dadka diblumaasiyada wax ka yaqaan ay dhaliileen qaabkii uu dhambaalkii ka siday madaxweynaha Somalia iyo aqoonsigiisa u guddoon siiyay oo hareer marsaneyd nidaamka diblumaasiyada.

Muuqaalkaan Eeg nidaamka diblumaasiyadeed ee Safiir Jaamac iyo safiirada Tanzania ee laga guddoonay waraqaaha aqoonsiga waxa ay ku kala duwan yihiin.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada