Daawo: RW. hayre Hawada dalkeena In ay Maamulaan Dhalinyaro waa astaan muujineysa soo celinta Qaranimada”

Daawo: RW. hayre Hawada dalkeena In ay Maamulaan Dhalinyaro waa astaan muujineysa soo celinta Qaranimada”

daajis.com:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda J.F.S Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qeyb galay kulan ay soo diyaarisay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, oo la tashi lagula yeelanayay Wasaaradaha Gaadiidka ee Maamullada dalka. Waxana muhiimadda kulankani ahaa sidii qorshe mideysan iyo shuruuc hagta loogu sameyn lahaa nidaamka gaadiidka ee dalka, gaar ahaan Shatiyada iyo Taargooyinka.


Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad ayaa ku dheeraday qorshayaasha ballaaran ee horyaal wasaaradda iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in la helo nidaam ay ku wada shaqeeyaan Wasaaradda iyo maamullada dalka. Wuxuna sidoo kale tilmaamay in dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ay xukuumaddu ku guuleystay in gacanta dawladda lagu soo celiyo hawada dalka oo muddo badan ay maamulayeen shariikado shisheeye. Isla markaana dib loo howgeliyey shaqadii garoonka Muqdisho xiliyada habeenkii ah.

Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa ku ammaanay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, sanado badan ka dib inay helaan dadka Soomaaliyeed habeen iyo maalin fursad ay dalkooda uga dhoofi karaan una imaan karaan, maadaama ay sii kordhayaan baahida ay dadku u qabaan adeegyo habeen iyo maalin shaqeynaya, lana dhameystiri doono wax yaabaha ka dhiman.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada