DAAWO:- Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo jawaab ka bixiyey aflagaadadii Edna Adan ee Soomaalida

DAAWO:- Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo jawaab ka bixiyey aflagaadadii Edna Adan ee Soomaalida

daajis.com:- Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadallo gef iyo aflagaado ah oo Edna Aden ay u gaysatay Soomaalida, xilli ay difaaceysay gooni isu-taagga maamulka Somaliland ee gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.

Hadalladan oo kal hore ay jeedisay Edna, ayaa soo shaac baxay dhowaan kadib markii haweeneydan loo magacaabay wakiilka Somaliland u qaabilsan wada-hadallada Soomaaliya.

Qoraal uu xildhibaan Axmed Macallin Fiqi soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa u qornaa sidan:

Hadalada deelqaafka iyo gefka ah ee marwadani ku hadlayso waa wax laga xumaado, oo aan marnaba u adeegayn maslaxada Soomaaliyeed si kasta oo siyaasadda loogu kala aragti duwan yahay.

Dhowaan ayey aheyd markii loo magacaabay ergay gaar ah, haddii sida hadalka ay u dhigtay loo qaatana, xilka loo soo magacaabay wuxuu noqonayaa ” Ergeyga gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan wadahadalada Alshabaab, Burcadbadeed iyo Hogaamiye kooxeedyo” maadaama ay ayadoo horfadhida koox ajnabi ah af ajnabi ahna ku hadlaysa isla markaana sacabka loogu roonaanayo ay Soomaaliya iyo dadkeeda ku tilmaantay shabaab, burcadbadeed iyo hogaamiye kooxeedyo.

Beesha caalamka ee ay rabto marawadani in ay Afkaarteeda aan xaqiiqda ku salaysneyn ay ka dhaadhacsiiso, way kaga ogaal badan yihiin Soomaaliya waxa ka jira, waana kuwa u soo gurmaday, weliba waxay og yihiin Alshabaab meesha ay ka soo askumeen.

Dadka Soomaaliyeed iyo dawladdiisuba waxey u arkaan Alshabaab iyo burcad-badeedda labadaba cadow waxeyna la galeen dagaal ay dhowdahay in looga guuleysto, haddii labadaas kooxood ay ahaayeen kuwa midnimada hortaagan haddana laga sii takhalusayo, waxaan qiyaasayaa in caqabadihii midnimada hortaagnaa meesha laga saaray, Lana gaaray waqtigii dib loo walaaloobi lahaa.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada