Hogaanka sare ee Al-Qaeda oo war kasoo saaray duqeyntii lagu dilay Cali Jabal

Hogaanka sare ee Al-Qaeda oo war kasoo saaray duqeyntii lagu dilay Cali Jabal

daajis.com:- Iyadoo dhawaan ay maleeshiyaadka Al-shabaab soo saaren qoraal ay ku xaqiijinayaan geerida Horjoogihii u qaabilsanaa Gobolka Banaadir Cali Jabal, ayaa waxaa dilkiisa mar kale ka hadlay Hogaanka ugu sareeya Al-Qaeda.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Hogaanka ugu sareeya ee Al-Qaeda ayaa waxaa sidoo kale lagu xaqiijiyay geerida Cali Maxamed Xuseen ”Cali Jabal”.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Cali Jabal uu qaatay shahaadadiisa, sida lagu xusay qormada, isla markaana ay aad uga xun yihiin geerida ku imaaday Horjoogaha.

Nuqul kamid ah qoraalka kasoo baxay Al-Qaeda ayaa waxaa kamid ahaa ”Cali Jabal waxa uu sababsaday duqeyn diyaaradeed oo ay geysteen ciidamada Mareykanka, waxaan xaqiijineynaa geerida Cali Jabal”

Waxaa lagu xusay inuu sii socon doono dagaalka lagula jiro dowlada iyo ciidamada shisheeye ee iminka sida joogtada ah uga howlgala Muqdisho iyo Gobolada Somalia.

Al-Qaeda waxa ay sidoo kale sheegtay in weerarka lagu dilay Cali Jabal uu noqon doono mid gala taariikhda isla markaan laga bixin doono Jawaab.

Si kastaba ha ahaatee, qoraalka kasoo baxay Al-Qaeda ayaa imaanaya xili ciidamada DF iyo kuwa Mareykanka ay Bishii lasoo dhaafay Cali Jabal ku dileen duqeyn ka dhacday gobolka Shabeelaha Hoose.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada