Maraykanka: Lamaane Dilay Haweenay Si ay ilmaheeda uga qaataan’ (Daawo)

Maraykanka: Lamaane Dilay Haweenay Si ay ilmaheeda uga qaataan’ (Daawo)

daajis.com:- Lamaane ku sugan gobolka North Dakota ee dalka Maraykanka ayaa lagu soo oogay in ay dileen haweenay uur leh si ay u sheegtaan in ay ilmahaas iyagu dhaleen.


Savanna LaFontaine-Greywind oo 22 jir aha ayaa lahayd uur siddeed billood ah markii la waayay 19kii bishan Agoosto.

Maydkeeda ayaa Axadii laga helay wabiga North Dakota iyadoo bac ku duuduuban, sida uu ku warramay wargeyska Minneapolis Star Tribune, Booliiska ayaa markii hore ku warramay in ay u malaynayaan in gabdha gurigeeda lagu dilay.

Haddase waxaa xabsiga lagu hayaa William Hoehn oo 32 jir ah iyo Brooke Crews oo 38 jir ah iyaga oo loo haysto dilka gabadhaas.

Waxaa la hayaa ilmo yar oo maalmo dhalan oo loo malaynayo in uu yahay kii LaFontaine-Greywind lakiin waxaa laga war sugayaa baadhitaanka hido sidaha ee DNA-da loo yaqaanno, sida ay booliisku sheegeen.

Maydka la helay wuxuu soo afjarayaa baaritaan siddeed maalmood socday oo ay wadeen boqolaal dad ah oo mutadawiciin ah, booliiska faderaalka iyo kan gobolka, kuwaas oo baadi goobayay hooyada xaamilada ahayd iyo kalkaaliso caafimaad.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada