Muuqaal: Cabdi Qeybdiid oo Doorasho Lagu Qabtay Muqdisho uga Adkaaday C/raxmaan FAROOLE iyo Waxa Dhacay

Muuqaal: Cabdi Qeybdiid oo Doorasho Lagu Qabtay Muqdisho uga Adkaaday C/raxmaan FAROOLE iyo Waxa Dhacay

daajis.com:- Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid oo ka tirsan xubnaha aqalka sare ee dalka ayaa loo doortay in uu noqdo guddomiyaha guddiga dastuurka labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Xilkan oo maalmihii ugu danbeeyayba qabashadiis loolan adag ugu jireen Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid iyo C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa ugu danbeyntii, waxaa 6 cod ku guuleystay Cabdi Qeybdiid halka C/raxmaan Faroole uu helay 4 cod.

Guddiga labada aqal ee dastuurka oo ka kooban 10 xubnood ayaa min shan xubnood looga soo kala xulay gollaha shacabka iyo aqalka sare ee dalka.


Madaxweynihii hore ee dowlad gobolleedka Puntland islamarkaana hadda ah xubin ka tirsan gollaha Aqalka sare ee dalka ayaa olale weyn u galay qabashada xilkan, hasse ahaatee waxaa markii danbe ku guuleystay Cabdi Xassan Cawaaale Qeybdiid oo horay madaxweyne uga soo noqday maamulka Galmudug.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada