MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo Ka yaabsaday Shacabka Xeebta Liido iyo Go’aankiisa Midnimada Soomaliya

MUUQAAL: Madaxwayne Farmaajo oo Ka yaabsaday Shacabka Xeebta Liido iyo Go’aankiisa Midnimada Soomaliya

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa galabta lagu arkay Xeebta Liido, halkaasoo kormeer lama filaan ah ku tagay, iyadoo markii u horeysay ay heyd oo uu Madaxweynaha tago goobaha dadka isugu yimaadaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qaxweeyay mid ka mid ah maqaayadaha ku yaala Xeebta Liido, halkaasoo uu kula sheekeystay dadkii fadhiyay, Sidoo kale  wuxuu  lugeeyay xeebta, waxaa uu la sheekeystay dhalinyaro xeebta ku damaashaadayay, kuwa kubad ku ciyaarayay, waxaana dadka qaar ay su’aalo weydiiyaan.

Madaxweynaha ayaa la kaftamayay dhalinyaro kubad ciyaareysay, isagoo ka yaabsaday dhalinyaradii kubadda ciyaareysay, Wuxuuna horay u soo noqday Garsoore kubadda cagta ah, waxaana uu dhalinyarada tusay inuu kubadda si wanaagsan u yaqaano.

Intaasi kadib Madaxwaynaha ayaa Shacabka Su’aalo ka dhegaystay, Wuxuuna siwayn uga hadlay Midnimada Soomaaliya, Isagoona ku baaqay inay Siyaasiyiintu Tanaasul sameeyaan, Shacabkuna uu mid yahay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada