Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo Wasiir Beyle ku amray Arrin Farxad gelineysa Shacabka Muqdisho

Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo Wasiir Beyle ku amray Arrin Farxad gelineysa Shacabka Muqdisho

daajis.com:- Ra’isul Wasaaraha dowladda Soomaaliya ayaa ku amray wasiirka Maaliyadda Xukuumadiisa arrin farxad gelin doonta shacabka danyarta ah.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa lasoo sheegayaa inuu ku amray wasiirka Maaliyadda inuu miisaaniyad kooban usameeyo gargaarka dadka danyarta ah ee ay haleeshay abaartii Soomaaliya.

Dadkan oo qaarkood ku jira xeryaha Muqdisho waxaa kamid ah ciidamadii Naafadda, barakacayaal iyo dad kale oo Muqdisho xaalad liidata ku jooga.

“Dadka lacagta haysta ayaa laga soo qaadayaa dhaqaale si loogu kaaalmeeyo kuwa dhibaateysan”sidaas ayaa laga soo xigtay sargaal xafiiska Ra’isul wasaaraha katirsan.

Kheyre ayaa fikirkaan kasoo qaatay dalkii uu ku noolaa ee Norwey kaas oo dadka dhaqaalaha haysta laga qaado 37 Boqolkiiba oo canshuur ah si loogu kaalmeeyo dalalka ay dhibaatada ka jiraan oo Soomaaliya kamid tahay.

Hadii go’aankan uu shaqeeyo waxaa ay faa’ido weyn unoqon doontaa dad badan oo ku dhibaateysan Muqdisho iyo deegaanadda kale ee Soomaaliya
HOOS KA DHAGAYSO WARBIXIN BUUXDA


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada