Safiirka Soomaaliya u fadhiya QM oo qudbad xasaasi ah ka jeediyay New York (Daawo)

Safiirka Soomaaliya u fadhiya QM oo qudbad xasaasi ah ka jeediyay New York (Daawo)

daajis.com:-  Safiirka Soomaaliya u fadhiya xarunta jamciyadda qaramada midoobay Abukar Daahir Cusman Baalle, ayaa maanta ka jeediyay qudbad dhinacyo badan taabaneyso.

Mudane Abukar Daahir Cusmaan Baalle ka hadlay horumarka laga gaaray dhinaca Amniga haddii aay noqon lahayd la dagaalanka kooxaha Al Shabaab.

Waxaa uu mudane Abukar Baalle sheegay in dawlada soomaaliyeed ey ku taabo jirto sidii loo dhisi lahaa ciidan tayo leh oo difaaci kara dalka oo dhan lana jaan qaadi kara marxaladaha kala duwan oo amniga waddamada deriska la ah Soomaaliya.

Waxaa Ambasador Abukar uu ku dhawaajiyay qorshe siyaasadedka dowladd ee lagu hagi karo mashariic mira dhal leh o tayo badan, si waxqabadka barnamijyada ay si hufan ugu faafaan dalka oo idil.

Sidoo kale waxaa uu mudane Abukar xusay in ay daryeelka iyo horumarinta umada ay tahay hadafka ugu horeeya ay doonayaan in ay madaxda dalka qaasatan Madaxweyne Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Farmaajo uu xoogga saari doono sidii loo kobcin lahaa daryeelka iyo horumarinta shacabka Soomaaliyeed.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada