DAAWO: DF-Somalia oo si yaab leh uga hadashay Sarkaal ka tirsan ONLF oo la sheegay inay Itoobiya ku Wareejisay

DAAWO: DF-Somalia oo si yaab leh uga hadashay Sarkaal ka tirsan ONLF oo la sheegay inay Itoobiya ku Wareejisay

daajis.com:-  Taliyaha Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa caawa sheegay in dowladda Soomaaliya ay sarkaal ONLF ah ku wareejisay Ethiopa.

C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax, oo maalmahan ay dowladda ku haysay Muqdisho, ayaa ugu dambeyn loo dhiibay Ethiopia, sida laga gartay hadalka Sanbaloolshe.

Sanbaloolshe ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ka dhex galay mar arrintan waxa laga weydiiyey, isagoo xusay in arrintan ay tahay xasaasi, isla markaana waqtigeeda iyo goobteeda looga jawaabayo.

“Arrinka la xiriira Sarkaalka la sheegay inuu ONLF yahay ee dowladdu wareejisay sidaa la socotaan arrinkaas waa arrin xasaasi ah oo ay waqtigeeda iyo goobteeda looga jawaabo, aniga oo afduubaya dowladda waxaa jeclaan lahaa in arrintan aysan xilligan dowladda ka hadlin” ayuu yiri Taliyaha NISA oo af qabtay Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa isna ku raacay Taliya Sanbaloolshe, isagoo yiri “Madaxda Qaranka waxaa la yiraahdaa hey’adaha Sirdoonka ayaa u taliya, hadii uu na afduubo, isaga noo xog ogaalsan dalka amnigiisa”.

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kadib laba maalin oo ay dowladda ku adkeysaneysay in Qalbi Dhagax uu gacanteeda ku jiro, mana cadda haddii markaas kadib la dhiibay, ama haddii maanta la dhiibay.

Ururka ONLF ayaa war saxaafadeed ay soo saareen maanta waxay ku eedeeyeen dowladda Soomaaliya inay u gacan gelisay Itoobiya C/kariin Sheekh Muuse, iyagoo ku eedeeyay in dowladda Soomaaliya ku xadgudubtay dastuurka iyo xeerarka caalamiga iyo midka dalka Soomaaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada