Sawiro: Malaayiin Xujaaj ah oo Maanta Taagan Banka Carrafa

Sawiro: Malaayiin Xujaaj ah oo Maanta Taagan Banka Carrafa

daajis.com:-  Malaayiin xujaaj ah ayaa maanta ku cibaadeysan doona buurta Carafat si ay u gutaan waajibka ugu weyn ee xajka. Xujaajta ayaa taagnaan doona banka carrafa taasoo bilaaban doonta marka ay qorraxda soo baxdo ilaa ay qorraxda ka dhaceyso.

Kumanaan Soomaali ah oo ka baxay dalka iyo dibbadiisa ayaa ka mid ah muslimiinta gudaneysa waajibaadka xadka ee sanadkaan.

Xujeyda ayaa xalay ku baryay Mina,  iyagoo maantana ku Alle baryaya Banka Carafo, maalinta berito ahna waa ciidul Adxa,  sidaas ayaana la rajeynayaa iney kusoo gebageboowdo Acmaasha xajka ee sanadkan.

Xujeyda sanadkan gudaneysa acmaasha Xajka ayaa ka kala yimid dalal badan oo Muslimiin ah, iyagoo ah kala midab, kala luqad ayaa maanta waxaa mideyneysa Towxiidka Alle.

Sidoo kale Muslimiinta ku nool Caalamka ayaa maanta oo kale Sagaalka Dulhaj ay sooman yihiin, oo ah Sunno aad u ajar badan, lagana cafinayo dunuubta yar yar ee ay galeen labo sano.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada