Sawiro: Xasan Sheekh iyo Sh. Shariif oo heshiis xasaasi ah ku kala saxiixday Kampala

Sawiro: Xasan Sheekh iyo Sh. Shariif oo heshiis xasaasi ah ku kala saxiixday Kampala

daajis.com:- Kulan xasaasi ah ayaa wuxuu Magaalada Kampala ee dalka Uganda ku dhex maray labadii madaxweyne ee horey usoo maray Soomaaliya Sheekh Shariif Shiikh Axmed iyo Xasan Shiikh Maxamuud, waxayna labada mas’uul isku afgarteen in lasoo gabagabeeyo   khilaafkii u dhexeeyay ee ka dhashay doorashooyinkii dalka ka dhacay ee uu ku guuleystay Madaxweyne Farmaajo.

Kulanka dhex Maray Xasan Sheekh iyo Shariif ayaa socday muddo laba asbuuc ah, waxaana ugu dambeyntii la isku afgartay inay labadooda is cafiyaan iyo markaasna lasoo gabagabeeyo loolankii ka dhaxeeyey ee gaaray meel halis ah.

Labadaan nin oo horey usoo noqday madaxweynaha Soomaaliya   ayaa khilaafkoodu meel sare gaaray horaantii sanadkan kadib markii doorashadii madaxweynaha ay soo dhowaatay. Waxana kulankan ay yeesheen uu yahay kii ugu horeeyay oo si fool ka fool ah u kulmaan.

Sida xogta aan haleyno sheegeyso shirka la isugu keenay labada mas’uul ayaa waxaa ka dambeeyey dowladda Uganda, waxaana la rumeysan yahay in Xasan Sheekh Maxamuud oo dagan Tanzania lagu qanciyey inuu imaado Uganda oo uu dagan yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed si gartooda loo galo.

Hadalo kulkulul ayay labada dhinac saxaafada isu mariyeen waxayna ku guuldareysteen inay isu tanaasulaan illaa daqiiqadii ugu dambeysay doorashada oo uu ku soo baxay Madaxweynaha haatan talada haya ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Ilaa hadda si rasmi ah looma ogo haddii labadaan Mas’uul ay hal dhinac uga soo wada jeesan doonaan siyaasadda Soomaaliya iyo haddii uu iskaashi dhex mari doono, maadaama aysan weli si rasmi ah uga fadhiisan Siyaasadda.
Dadka falanqeeyo siyaasadda ayaa aamisan in haddii labadaan Mas’uul ay isku soo baheystaan loolanka cusub ee loo geli doono doorashada 2020 ay culeys weyn ku noqon doonto kooxda Madaxweyne Farmaajo oo hadda hoggaanka u hayo siyaasadda Soomaaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada