Shabaab oo si yaab leh uga hadlay arrinta Roobow iyo sababta keentay inay weeraraan

Shabaab oo si yaab leh uga hadlay arrinta Roobow iyo sababta keentay inay weeraraan

daajis.com:- Sida lagu baahiyay warbaahin la yiraahdo Al-Hijra oo taageerta Al-Shabab waxaa looga hadlay arrimo la xariira sababta keenya in Mukhtaar Roobow uu iskaga baxo Al-Shabab.

Qoraal dheer oo looga hadlay arrinta Sh, Roobow waxaa lagu xaqiijiyay inuu jiray khilaaf dhex maray hogaamiyihii geeriyooday ee Al-Shabab Axmed Cabdi Godane iyo Sh, Mukhtaar Roobow oo hadda dawlada Soomaaliya la jooga waxaana warkaan lagu xusay in khilaafku uu soo bilawday sanadkii 2011.

Warkaan waxaa lagu sheegay in markii uu khilaafka soo baxayba hogaanka Al-Shabab ogolaadeen inuu ku noolaado degaanka uu kasoo jeedo ee Abal la yiraahdo oo ka tirsan gobolka Bakool ayadoo loo ogolaaday inuu illaalo ahaan u haysto 30 askari maadaama uu Maraykanka doon doonayay ayaa lagu yiri

Warkaan lagu baahiyay warbaahinta Al-Shabab waxaa lagu sheegay in 6 sanno ee lasoo dhaafay uu Roobow degaankiisa ku joogay is af garad kala dhaxeeyay maamulka gobolada Bay iyo Bakool ee Al-Shabab waxaana heshiiskaas ka mid ahaa inuu sameyn Karin wax dhaq dhaqaaq ciidan.

Qoraalkaan waxaa lagu sheegay in Xarakaddu ogaatay dawladaha Soomaaliya iyo Qatar ay bilaabeen muddo hadda 6 bilood dadaal ay Sh, Roobow uga dulqaadayaan lacag horey Maraykanku madaxiisa u saaray taasoo ugu dambeyntii hirgashay.

Sida warka u qoranyahay Al-Shabab ayaa ku eedeynaya Wadaadkaan dawlada isku soo dhiibay inuu bilaabay wixii markaa ka dambeeyay inuu sameeyo hub iyo ciidan urursi.

Mar qoraalkaan looga hadlayay dagaalkii ugu dambeeyay ee Al-Shabab la galeen Sh, Mukhtaar Roobow waxaa lagu sheegay inuu ku bilowday kadib markii mid ka mid ah illaalada wadaadkaan uu qof ka mid ah dadka degaanka Abal dilay kadib qof ka mid  ah ehelada marxuumka uu dacwooday maxkamad Shabab maamuulaan.

Maxkamada ayaa weydiisatay  Sh, Roobow inuu wareejiyo askariga wax dilay hase waa uu ka dhago adeygay sida warka ku qoran taasoo keentay in ciidamo askarigaas wax dilay soo qabta degaan loo diro waxaana ciidamadu la kulmeen dagaal adag  oo ay qeyb ka ahaayeen ciidamo ka tirsan kuwa dawlada Soomaaliya.

Qoraalkaan ay warbaahinta Al-Hijra baahisay sheegtay inuu Al-Shabab kasoo baxay waxaa lagu sheegay in dagaalamayaasha Xarakaddu ay hadda ku sugan yihiin degaankii dagaalku ka dhacay ee Abal kana difaaceen ciidamada dawlada ee Sh, Mukhtaar Roobow caawinayay.

Laguma soo hadal qaadin warkaan go’aanka Al-Shabab ee ku aadan wadaadkaan kasoo baxay ee mar noqday hogaamiyaha labaad iyo Afhayeenka Xarakadda.

Ka sokow warkaan Al-Shabab baahiyeen waxaa jiray warar horey u soo baxay oo sheegayay in dagaalamayaasha Al-Shabab ay weerar ku qaadeen degaankii uu Roobow joogay kadib markii ay fashilmeen wada hadalo ay la galeen hogaamiyaal Xarakadda ka tirsan.

Hadal uu warbaahinta ka sheegay Sh, Roobow waxaa uu ku sheegay inuu in muda ahba uu banaanka ka joogay Shabab kadib markii ay fikiradaha isku khilaafeen.

 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada