Faroole oo lagu qancin doono in wiilkiisa loo magacaabo safiirka Somalia ee Kenya

Faroole oo lagu qancin doono in wiilkiisa loo magacaabo safiirka Somalia ee Kenya

daajis.com:- Wiilka uu dhalay madaxweynihii hore ee Puntland kana mid ahaa musharixiintii xilka madaxweynaha ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Faroole ayaa lagu wadaa in loo magacaabo safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya sida ay sheegayaan wararka ay heleyso Caasimadda Online.

Wiilka uu dhalay Faroole ee lagu magacaabo Maxamed Cabdiraxmaan Faroole oo hadda ku sugan Imaaraadka Carabta ayaa lagu wadaa in dhawaan laga dhigo safiirka Soomaaliya ee Kenya.

Cabdiraxmaan Faroole ayaa intii ay socotay ololaha doorashadii ka dhacday Soomaaliya, wuxuu siyaasiyiintii ay iska beesha ahaayeen wuxuu ka dhaadhacsiiyey inay taageeraan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuuna dowladda ka sugayey in loo gudo abaalkii uu sameeyey.

Haddaba iyadoo abaalkaas laga jawaabayo, madaweynaha iyo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa wadaan olole ay ku doonayaan inay safiirka dalka Kenya u fadhiyo Soomaaliya u magacaabaan wiilka uu dhalay Cabdiraxmaan Faroole.

Caasimadda Online oo la xiriirtay Maxamed Faroole si arrntaan waxbadan looga ogaado ayaa warkaas wax kama jiraan ku tilmaamay, wuuna ka gaabsaday inuu si faahfaahsan uga hadlo balse xogta hoose oo ay heleyso Caasimadda Online ayaa muujineyso inuu socdo ololo arrintaas ku aadan.

Si loo xalaaleeyo booska Maxamed Faroole loo magacaabi doono, waxaa sidoo kale xilka laga qaadi doonaa safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiyo Mareykanka oo ay isku heeb yihiin, maadaama ay lagama maarmaan tahay in la ilaaliyo hab qeybsi beeleedka ay ku dhisan tahay dowladda Soomaaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada