Wasiir Amniga oo shaaciyay arrin ay aad ula farxeen Shacabka Muqdisho

Wasiir Amniga oo shaaciyay arrin ay aad ula farxeen Shacabka Muqdisho

daajis.com:-  Wasiirka amniga xukuumadda Somalia Maxamed Abuukar Islow ”Ducaale”, ayaa shaaca ka qaaday inay wadaan qorsho dib loogu furaayo dhammaan waddooyinka magaalada Muqdisho ee iminka go’an.

Wasiir Ducaale ayaa sheegay inay jiraan waddooyin muhiim ah oo ilaa iyo hadda u jaran ciidamada amaanka, kuwaa oo uu sheegay inay isticmaalan maleeshiyaadka Shabaab ee dhuumaaleysiga ku jooga Muqdisho.

Wasiirka waxa uu sheegay in xiligaan la joogo uu aad u wanaagsan yahay amniga magaalada Muqdisho, wuxuuna tilmaamay in goob weliba ay dhigeen ciidamo aad u hubeysan.

Sababta loo furaayo waddooyinka ayuu sheegay inay tahay in Shacabka Soomaaliyeed iyo Hay’addaha amaanka ay wada shaqeyn dhow ka dhaxeyso, waxa uuna cadeeyay in furitaanka waddooyinka ay arrin muhiima u tahay Shacabka.

Isagoo ka hor hadlaayay Wasiirada ayuu sidoo kale Xubnaha u cadeeyay in qorshaha sugidda amniga dalka mar dhaw loo gudbin doono gobolada kale ee dalka.

Sidoo kale, Wasiir Ducaale ayaa xukuumada u bidhaamiyay in amniga magaalada Muqdisho 75% uu yahay mid aad u wanaagsan isla markaana leysku haleyn karo.

Haddalka Ducaale ayaa imaanaya xili todobaadkii tagay ay magaalada Muqdisho marti galisay Qaraxyo dhowr ah oo geystay khasaaro kala duwan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada