Daawo sawiradda qaraxii caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

Daawo sawiradda qaraxii caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

daajis.com:- Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa qarax gaari oo goordhow ka dhacay wadadda Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa si aad ah looga maqlay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana Qaraxa uu dhacay xilli Maqrib ah.

Gaariga oo laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa ayaa ku hor qarxay inta u dhexeysa Hoteelka Ambassador iyo Isbitaalka Darushifa ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay inay ku geeriyooden ilaa 4 ruux halka 5 kalena ay ku dhaawacmen kuwaas oo ahaa dad Shacab ah oo Goobta ka agdhawaa.

Saraakiisha Gaadiidka deg dega ah ee Ambalaasta ayaa sheegay halkaasi in ay u direen qaar ka tirsan shaqaalahooda, si halkaasi ay uga soo qaadaan dadkii ku waxyeeloobay Qaraxaasi, oo ay u gaarsiiyaan goobaha caafimaadka.

Sidoo kale, Qaraxa ayaa burbur xoogan u geystay goobaha Ganacsi ee ku yaalla goobta uu Qaraxa ka dhacay.

Dhinaca kale, xaalada goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa hada ah mid kacsan, waxaana baaritaano wada Ciidamada ammaanka Dowladda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada