Xog: DF oo qorsheeneysa inay Sanbaloolshe madaxweyne uga dhigto HirShabelle si meesha looga saaro ololaha Cosoble

Xog: DF oo qorsheeneysa inay Sanbaloolshe madaxweyne uga dhigto HirShabelle si meesha looga saaro ololaha Cosoble

daajis.com:- Wararkii ugu dambeeyey ee kasoo baxayo cidda noqon doonto madaweynaha Hirshabelle ayaa sheegayo in C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe  uu ilaa hadda ugu cadcad yahay inuu qabto xilkaas isagoo garab ka helayo madaxtooyada Soomaaliya si loo jabiyo madaxweynihii xilka laga qaaday ee Cali Cabdullaahi Cosoble.

Arrintaan ay wado dowladda Soomaaliya ayaa lagu doonayaan in meesha looga saaro Cali Cabdullaahi Cosoble oo ku dhawaaqay inuu ku shaqeyn doono Magaalada Beled-Weyne maadaama uu sheegay in la qabsaday Jowhar sida uu hadalka u dhigay.

Cosoble ayaa taageero ka heysto Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan, sidaas dartyeedna waxay dowladda Soomaaliya ka fakareysaa sidii looga adkaan lahaa isla markaasna booskaas loogu buuxin lahaa Sanbaloolshe maadaama uu yahay nin adeegga ka batay oo wax lagu jabin karo.

Sanbaloolshe ayaa hadda ah taliyaha nabadsugidda Soomaaliya, xilkaasna wuu isaga tagi doonaan, waxayna dowladda Soomaaliya u isticmaali doontaa gaashaan.
Cosoble ayaa ilaa hadda diidan inuu aqbalo xil ka qaadistii lagu sameeyey dhawaan, wuxuuna sheegay in la qabsaday madaxtooyadii Jowhar sidaas darteed wuxuu sheegay inuu Beledweyne ku shaqeyn doono isagoo ah madaxweynaha Hirshabelle.

Guddiga Doorashada ee Hirshabelle ayaa maanta si rasmi ah usoo saaray jadwalka doorashadaas iyadoo lagu dhawaaqay inay doorashada dhici doonto 12 September.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada