Angela Merkel oo markii afaraad oo ku Guuleysatay Doorashada Jarmalka

Angela Merkel oo markii afaraad oo ku Guuleysatay Doorashada Jarmalka

daajis.com:-Chancellor Angela Merkel ayaa markii afaraad oo isku xigta ku guuleysatay doorashada madaxtinimada dalkeeda sida ay sheegayaan natiijada doorashada ee la shaaciyay.

Boqolkiiba 32.5% ayaa waxaa helay xisbigeeda isbahaysiga muxaafidka ee CDU/CSU, xisbiga Social Democratic ayaa helay boqolkiiba 20% waxana hogaamiyaasha xisbigan ay sheegeen inay mucaarad noqon doonaan.

Hase yeeshee natiijada ayaa noqotay mid lala yaabo kadib markii xisbiga AfD uu helay codad gaaraya 13.5%.
Iyadoo la hadlaysay taageerayaasheeda ayay Angela Merkel waxa ay sheegtay inay rajaynaysay inay codad intaa ka badan ay hesho.

Doorashada ayaa dalka Jarmalka ka bilaabatay Siddeedii subaxnimo ee saaka iyadoo soo xirantay lixdii maqribnimo xilliga dalka Jarmalka iyadoo dadka u soo baxay codeynta ay inyar ka yaraayeen doorashadii ugu dambeysay ee dhacday afar sano kahor.

Angela Merkel ayaa waxaa dhisi doontaa dowlad isbahaysi taasoo diyaarinteeda ay qaadan karto bilooyin iyadoo xisbiyada kale aan la hubin inay doonayaan inay ka qeybgalaan dowlad wadaag ah.
Merkel ayaa muddo 12 sano ah waxa ay u ololaheeda doorashada ahayd mid ay ku galaysay inay hoos u dhigeyso shaqo la’aanta,kobcinta koriinshaha dhaqaalaha,miisaaniyad dheelitiran iyo xiriirka dibadda in sare loo qaado.

Guushan ay gaartay haweeneydan 63-jirka ah ayaa ka dhigeysa in ay la mid noqotay hogaamiyihii hore Helmut Kohl oo ahaa hogaamiyihii ugu waqtiga dheeraa ee soo maamulayay dalka Jarmalka kadib dagaalkii 2aad ee dunida.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:27 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada