MUUQAAL: Kulan dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha Somalia iyo Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay

MUUQAAL: Kulan dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha Somalia iyo Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay

daajis.com:- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan gaar ah kula yeeshay magaalada New York Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimaha Soomaaliya, howlaha UN-ka uu ka wado iyo sidii loo xoojin lahaa.

Sidoo kale waxaa laga wada hadlay wada shaqeynta hey’adaha QM iyo Hey’addaha dowladda Federaalka.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa ammaanay horumaradii kala duwanaa ee ay sameysay dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dalka horumaro la taaban karo ka jiro, isagoo soo hadal qaaday caqabado dowladda ka heysa dhinacyada siyaasada iyo arrimaha bani’aadanimada.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Soomaaliya uga qeyb galay shirka Qaramada Midoobey ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda dalka dib ugu soo laabtaan

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada