DAAWO SAWIRRO:- Diyaaraddii Germany ee 1977kii lagu soo afduubay Somaliya oo lagu celiyay Dalkaas

DAAWO SAWIRRO:- Diyaaraddii Germany ee 1977kii lagu soo afduubay Somaliya oo lagu celiyay Dalkaas

daajis.com:- Diyaaradda  Lufthansa ee lagalahaa Dalka Germanaya islamarkaana 40 Sano ka hor lagu soo afduubay Soomaaliya ayaa shalay dib loogu celiyay Dalkaasi Germany .

Diyaaradda oo ay lahayd dowladdii Germany-ga galbeed ayaa waxaa afduubay dabley Falastiiniyiin ahaa,kuwaas oo doonayay in dowladdii Germany-da galbeed ay u siideyso hoggaamiyayaal Falastiiniyiinta ka xir xirnaa.

Dableyda ayaa Diyaaradda ka soo dejiyay Garoonka Aadan Cadde ex-Muqdisho Airport,waxaana ugu dambeyntii lagu guuleystay in Rakaabka diyaaradda saarnaa la badbaadiyay.

Ciidamada gaarka ah ee Germany oo kaashanaya Ciidamada Soomaaliya ayaa toogtay saddex ka mid ah 4; qof oo afduubatay Diyaaradda waxaana ay halkaas ka badbaadiyeen  86 Qof oo diyaaradda la socday.

Haraadiga diyaaradda oo yaallay Dalka Brazil ayaa shalay oo sabti ahayd dib loogu celiyay Dalka Germany waxaana la geeyay Magaalada Friedrichshafen,halkaas oo dib u dayactir kaddib la dhigi doono Madxafka xusuusta ee Magaaladaas.

Diyaaradda nooceeda waxaa uu ahaa Boeing 737,waxaana la afduubtay October 1977,iyada oo ka duushay Magaalada Mallorca ee Dalka Soain kuna sii jeedday Frankfurt oo Germany ah.

Ciidamada Koofi casta Germany iyo kuwa Soomaaliya ah ayaa diyaaradda ka furtay 18kii October 1977dii, Malleeshiyada afduubatay,waxaana kaddib la geeyay Dalka Brazil ,maaddaama dadkii saarnaa u badnaayeen Brazil,sidaasna la isaga dhigay dalkaas iyada oo afartan Sano kaddib la geeyay Germany.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada