Ciidanka Dalka Maraykanka oo Weerar ka Fuliyey duleedka Baraawe oo lagu Qaarijiyay Horjooge shabaab ah

Ciidanka Dalka Maraykanka oo Weerar ka Fuliyey duleedka Baraawe oo lagu Qaarijiyay Horjooge shabaab ah

daajis.com:- Taliska ciidmada Maraykanka ee qaarada Afrika ayaa sheegay in gantaal ay ku dileen sarkaal ka tirsan Alshabaab mid kalana ku dhaawacmeen duleedka degmada Baraawe ee gobolka Sh/hoose.

Duqeyntan ayaa waxaa fuliyay mid kamid ah diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha lahayn mana jiro warar ka madax banaan sheegashada Maraykanka.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan hadalkaan kasoo baxay dowladda Mareykanka ee ah in ay dileen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.
Dowladda Mareykanka ayaa bilihii lasoo dhaafay si weyn u xoojisay duqeynta ay ka fulinayso gobolka Shabeelaha Hoose, waxana Maraykanka uu qirtey in ciidamadiisa ay ka mid ahaayeen ciidamadii weerarka ku qaaday deegaanka Bariire.



_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada