Daawo: Booqashada xaaska Erdogan iyo Taariikhda muslimiinta Rohingya ee Xasuuqa Ba’an lagu Hayo (Warbixin)

Daawo: Booqashada xaaska Erdogan iyo Taariikhda muslimiinta Rohingya ee Xasuuqa Ba’an lagu Hayo (Warbixin)

daajis.com:- Emina Erdoğan oo ah xaaska madaxweynaha Turkiga Erdogan oo booqasho ku joogta gobolka ayaa kulanka ay la qaadatay ra’isul wasaaraha Bangladesh Sheekh Hasina uga cosaday sidii ay u soo dhaweyn laheyd Musliimiinta Rohingya ee lagu gummaado dalka Burma.

Dalka Turkiga waxaa ay ballan-qaadeen in ay bixin doonaan qarashka, qaaditaanka iyo midka lagu martigelinayo dadkaasi muslimiinta ah, Labada Haweeney waxaa kale oo ay ka wada haldeen sidii dhibaatada loo soo afjari lahaa.
Mevlüt Çavuşoğlu wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga oo wafdiga la socda waxaa uu beesha caalamka ugu baaqay in aan marnaba indhaha laga fiirsan dhibaatada lagu hayo muslimiinta Rohingya ee dalka Burma.

Todobaadyadii la soo dhaafay in ka badan 150,000 oo qaxootiga Rohingya ah ayaa galay dalka Bangladesh, iyaga oo ka cararaya dilka iyo dhibaatada loogu geysto Myanmar, warar laga helayo qaramada midoobay ayaa sheegaya in tirada tobodaakan Bangladesh galay ay gaarayaan 270 Kun oo qowmiyadaasi ah.

Wax ka Baro Qowmiyadda Rohingya :  Rohingya waa qowmiyad Muslimiin ah oo lagu qiyaaso tiro ahaan 1.1 million, intooda badan waxaa ay ku nool yihiin gobolka Rakhine ee galbeedka Myanmar, kaas oo xad la leh dalka Bangladesh, waana qowmiyad qarniyo badani ku noolaa dalka Myanmar, Laakin xukuumadda ka jirta dalkaasi waxaa ay u aqoonsan tahay qaxooti sharci darro dalkaasi ku jooga, asal ahaanna ka soo jeeda dalka Bangladesh.


Dhibaatadan Maxaa Keenay ? Sanadii 2012-kii: Waxaa dhacay qalalaaso u dhaxeeya qowmiyaddan Rohingya iyo dadka deegaanka Rakhine oo badankooda aaminsan Buddhism-ka, dagaalkaasi waxaa uu keenay in Rohingya
badani qaxaan.

October 2016-kii : Maleeshiyaad hubeysan oo Rohingya ayaa weerar ku qaaday bar booliis oo ku taallo waqooyiga gobolka Rakhine, dowladda Myanmar oo weerarkaasi ka jawaabeysa waxaa ku dhaqaa-day falal liddi ku ah Banii’aadnimada sida dil, dhac, kufsi, waxaa kale oo laga gubay 1,200 guri.

Xasuuqa Hadda Socda: Xasuuqa iyo dhibaatada hadda socota waxaa ay ka dhalatay markii maleeshiyaad qowmiyadda Rohingya ay weerar qaadeen 25kii August, taasi oo xukuumadda Myanmar iyo dadka aan muslimiinta aheyn uga jawaabeen qaab waxashnimo ah.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada