DAAWO: Heshiiskii Jig-jiga ka dhacay iyo Sidii uu Maalintaa u hadlay C.kariim Guuleed. ( Maxaa is badalay Hada ? )

DAAWO: Heshiiskii Jig-jiga ka dhacay iyo Sidii uu Maalintaa u hadlay C.kariim Guuleed. ( Maxaa is badalay Hada ? )

daajis.com:- Waxaa Xiligii Dawladii Madaxwayne Xasan sheekh Jigjiga Heshiis ku gaadhay Wafdi ka socday Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Galmudug oo dhinac ah iyo Dawalada Federaalka Itoobiya iyo Maamulka Soomaalida Itoobiya.

Hadaba Heshiiska Xiligaas ay wada gaadheen Labada, Waxaad ku Ogaan doontaa Muuqaalkan aanu idinla wadaagnay oo ah Shirkii maalintaasi ay wada Qabteen Labada dhinac.

Waxaa la isku raacay in labada dhinac ay ka wada Shaqeeyaan Nabad, Darisnimo iyo Sidii la isaga kaashan lahaa la dagaalanka Al-shabaab iyo ONLF Sida uu Halkaasi ka  sheegay Cabdi Maxamuud Cumar.


Cabdikariim Guuleed Madaxwaynihii Galmudug ayaa dhankiisa ka hadlay Waxaana hadalkiisa ka mid ahaa   “Waxaa Sharaf wayn noo ah inaanu Heshiis Nabadeed Saxeexnay,   Anagu hadaanu nahay Guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan Galmudug Nabaddu anaga ayay dan noo tahay,  Waxaynu iska Kaashan doonaa  Cadowga Midaysan ee Labada dal” Ayuu yidhi Guuleed.

Inaanu dib u Raadino Heshiiskaasi ayaa timid kadib markii ay soo baxday In Golaha wasiiradu ay maanta Xuseen in Horey loo gaadhay Heshiiskaasi, Islamarkaana  uu C.kariim Guuleed Dafiray siduu Xiligaas hadalka u dhigay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada