Sababta aysan Trump waligood u dayrin doonin taageeriyaashiisa?

Sababta aysan Trump waligood u dayrin doonin taageeriyaashiisa?

daajis.com:- Waxaa jiray warar la'isla dhexmarayay oo sheegayay in ay hoos u dhacday taageeradii badnayd ee loo hayay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump , gaar ahaan taageeradii xisbiga Jamhuuriga ee uu ka tirsanyahay, balse taasi ma muuqato.

Meelaha qaarkood sida gobolka Winconsis ayay sare usii kacaysaa taageerada loo hayo madaxweynaha.

Si aad u fahamto sababta boqolkiiba 35% illaa 38% dadka ay wali u taageersanyihiin Trump, waxaad u baahantahay in aad dib u milicsatid dadkii u codeeyay Trump markii horaba.

Waxa micnaha samaynaya ma ahan waxa ay doonayaan codbixiyeyaasha, ee waa waxa ay kasoo horjeedaan.

Taageerayaashiisa ma ahan kuwa ku taageersan waxqabadkiisa ee waxa ay ku taageersanyihiin waxyaabaha uu kasoo horjeedo.

Trump waxa uu kasoo horjeedaa ologyada siyaasadeed sida kaadiriinta xisbiga Jamhuuriga, dadka magaca leh ee siyaasadda sida reer Bush iyo reer Clinton, waxa kale oo uu kasoo horjeedaa saxaafadda, waxa kale oo uu kasoo horjeeda beesha caalamka ama adduunka intiisa kale oo lagu eedeeyey in uu qaatay shaqooyinkii, Maraykankana usoo dhoofiyay muhaajiriin badan.

Arrimahan waxa ay dib ugu laabanayaan illaa xiligii madaxweyne Ronald Reagan.
Haddii ay kula tahay in Maraykanka uu ku jiro halgan nolol iyo geeri u dhaxeeyo, wax kasta oo lasoo dhaafayna ay yihiin waayihii wanaagsanaa, mustaqbalkana uu yahay mid mugdi ah, kolkaas Trump ayaad isku dhinac tihiin.

Haddii sidoo kale aad ay aragtidaada tahay in xooggaga isbadalada aan loo baahnayn Maraykanka kusoo kordhinaya ay yihiin saxaafadda iyo dadka soogalootiga ah, markaas khudbadii uu Trump ka jeediyay Arizona waxa ay kuu noqon muusig macaan oo aad ku raaxaysato.

Marka waxan oo dhan la'isu geeyo, waxa aad fahmi kartaa sababta hadalada Trump ee uu ku dhaleecaynayo saxaafadda ay u noqdaan hadalo siyaasadeed oo saamayntooda badantahay.

Dadka muxaafidka ah ee ku nool Maraykanka waxa ay muddo baddan tabayeen in aysan codkooda baahin ama aragtidooda faafin warbaahinta waaweyn ee Maraykanka.

Waxa ay aaminsanyihiin in saxaafadda ay 
adkaysay fursadooha ah in ay doorasho ku gu
ulaystaan.

Aragti uruurin la samaayay oo lasoo daabacay maanta ayaa lagu sheegay in boqolkiiba 80% dadka ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ay aaminsanyihiin Trump wax ka badan inta ay rumeeyaan warbaahinta.

Layaabna ma lahan in in markasta uu Trump bartilmaameedsado saxaafadda.
Nin ka mid ah dadkii u codeeyay Trump sanadkii hore, ayaa ka mid ah dadka ay BBC-da la kulantay, waa nin madoow ah, waxa qoyskooda ay ku noolaayeen deegaanadii midab kala sooca xiligii madoowga la takoori jiray dalka Maraykanka.

Isaga waa 70 jir ku nool gobolka Virgia, madax jabka uu ka qabo nidaamka dowladnimo ee Maraykanka awgeed ayuu ugu codeeyay Trump.
"Trump waa nin fahmaya in Amerika ay u baahantahay edaab iyo kala dambayn, uma baahnin koox rag ah oo ay surwaalaha ka dhacayaan oo dariiqyada wareegaya" ayuu yiri

Waxa uu xusuustaa, aadna u jecelyahay xiligii ragga ay u labisan jireen sida fiican, dadka waawayna aysan ku afcelin jirin.

Waxaan weeydiinay in uu ka niyad jabayo Trump haddii uusan kasoo dhalaalin balanqaadyadiisii ololaha doorashada, su'aashaas oo uu 'maya' kaga jawaabay, wuxuuna u hayaa sedex sababood.
Sedexdaasi sababood ayuu ku sheegay in ay kala yihiin saxaafadda, baaritaanka fadeexada ruushka iyo xisbiga Jamhuuriga.

Trump laftiisa ayaa fahamsan aragtida ay dadka ka qabaan, waana sababta uu dadaalka badan ugu galayo si uu u sameeyo waxa ay dadka rabaan.

Xusuuso bishii Janaayo 2016-kii markii uu Trump yiri "Aniga oo taagan wadada bartankeeda ayaan toogan karaa qof, mana luminayo dad ii codeeya".

Hase yeeshee daraasadaha soo baxaya waxa ay muujinayaa in taageerada loo hayo ay hoos usii socoto, balse arrimaha ay kamidka yihiin hoggaaminta, iyo qiyamka, wali waxa uu haystaa taageero badan oo xisbiga Jamhuuriga dhexdiisa ah.
Ma cadda in Trump uu markale madaxtinimada ku guulaysan karo sanadka 2010-ka, laakiin marka la eego qaacidooyinka xisaabeed ee dadka Amerikanka ah , waxaa lagu doodi karaa in ay suurtogal tahay in uu guulaysto markale.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada