Daawo: Duufaanta Irma oo Garaacday Jaziiradda Puerto Rico ee Maraykanka Iyo Xaalad Naxdin badan oo ka Taagan

Daawo: Duufaanta Irma oo Garaacday Jaziiradda Puerto Rico ee Maraykanka Iyo Xaalad Naxdin badan oo ka Taagan

daajis.com:- Duufaanta Irma ayaa xalay si xawli ah ku dhaaftay waqooyiga jaziiradda uu Mareykanku leeyahay ee Puerto Rico, iyada oo dhulka dhigtay korntada iyo tubooyinka biyaha qaada taasoo saameyneysa boqollaal kun oo ruux.


Duufaantan oo saacaddiiba jareysa 295km ayaa lagu sheegay tii ugu xooganeyd ee abid garaacda dalalka dhaca badda atlantiga.

Saraakiisha Puerto Rico ayaa sheegay in muddo ka badan lix bilood ay qaadan doonto in korontada Jaziirada ay si buuxda usoo laabato.

Madaxweyne Donald Trump ayaa Arbacadi ku dhawaaqay in xaalad deg deg ah la geliyey Puerto Rico, taasoo u fasaxeysa Hey’adda Maareynta Masiibooyinka deg dega ee Mareykanka ay halkaasi ka bilowdo howlaha gurmadka.

Axada ayaa la filayaa in duufaanta Irma ay garaacdo koofurta Florida iyo hareeraha magaalada Miami.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada