Daawo:- Maxakamad Ku Taalla Gaalkacayo oo Dambi ku wayday Ninkii Lagu eedeeyay in uu ku gafay Nebbiga

Daawo:- Maxakamad Ku Taalla Gaalkacayo oo Dambi ku wayday Ninkii Lagu eedeeyay in uu ku gafay Nebbiga

daajis.com:- Maalmihii la soo dhaafay waxaa si weyn loo hadal haayay nin la sheegay in uu meel dhigay sawir uu ku sheegay in uu yahay Nabi Maxamed, Naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ahaatee,  Kumannaan qof ayaa si kala duwan uga hadlay hadalka ninkaas, waxaana sidoo kale ka hadlay culimmada Soomaalida.


Waxaa la sheegay in ninkaasi uu joogo Gaalkacayo, Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee maamulka Galmudug ayaa amartay in ninkaasi la soo xiro lana horkeeno sharciga.

Waxay ninkaasi ku eedeynayaan in uu ku xadgudbay diinta Islaamka, uuna aflagaadeeyay nabi Maxamed (SCW)

Qoraal ay saxiixeen qaar ka mid ah Culimada ku sugan Muqdisho ayaa lagu sheegay in “Sheekh cabdiweli uu yahay nin diinta ka baxay, nabinimadiina siiyey qof aan nabi Maxamed ahayn.”

Waxaa warka soo saaray culimo ay ka mid yihiin Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Sheekh Yuusuf Cali Caynte iyo Sheekh Cabduqaadir Sheekh Maxamed Soomow, Balse, maxkamadda Koonfurta Gaalkacyo ayaa sheegtay in dembi lagu waayay ninkaasi lagu eedeeyay in uu Sawir meel yaalla ku tilmaamay nabi Maxamed (SCW).

Garsooraha maxkamaddaas, Sheekh Maxamed Macallim Cali ayaa sheegaya in ninka la eedeeyay oo lagu magacaabo Sheekh Cabdiweli Sheekh Cali Cilmi Yare uu maxkamadda hor yimid oo su’aalo la waydiiyay, markii dambana la fasaxay.

“Maalmo dhan baan daba joognay, haddana Sheekha waan wareysanay wuxuuna caddeeyay in arrintaas uu ka bari yahay,” Ayuu yiri garsooraha.

Sheekh Mursal Cabdiraxmaan Axmed, wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta ee Galmudug ayaa sheegay in ninkasi uu geystay dembi, lana baaridoono.

“Waxaan ka hadalnay in arrintaasu tahay mid diin ka bax ah, wax banaan iyo mid qiil loo raadin karana aysan ahayn. Waxaan amarnay in ninkaasi haddii uu joogo Galkacyo la soo qabto, baaritaanna lagu sameeyo in uu yahay qof fayow iyo in uu arrintaasi dhab u sameeyay”.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in haddii ay cadaato in isagoo fayow uu si dhab ah u sameeyay arrintaas sharciga la mariyo.

Laakiin, Garsooraha maxkamadda Koonfurta Gaalkacyo, Sheekh Maxamed Macllim Cali ayaa sheegay in Wasiirka uu ku degdegay arrin uusan la socon.

“Wasiirka wuxuu ku degdegay arrin uusan la socon in maxkamad ay ku jirto”, ayuu yiri garsooraha.

Wuxuu intaa ku daray in ay amreen in la soo qabto ciddii isku deyda in ay been ay sheegto oo ku saabsan go’aanka maxkamadda ay ku sii deysay Sheekh Cabdiweli.

Waxaa sidoo kale baraha bulshada lagu baahiyay nin la sheegay in uu yahay midka sawirkiisa la isticmaalay oo iska fogeynaya arrintaasi, wuxuuna sheegay in uusan nabinimo sheegan.

Laakiin ninka la eedeeyay oo lagu magacaabo Sheekh Cabdiweli Sheekh Cali Cilmi Yare ayaa iska fogeeyay arrintaas, wuxuuna wareysi siiyay BBC Somali.


“Ma nabi maxamed baa la sawiri karaa? Aniga waxaa akteyda yaalay sawirka sheekheyga oo Maxamed la dhoho asigaana amaanay”, ayuu yiri Sheekh Cabdi weli.

Arrintan ayaa weli aad u dhex socoto baraha bulshada oo da kala duwan ay aragti ka dhiibanayaan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada