MUUQAAL: DF-Soomaliya oo shaacisay dhismaha 32-kun oo ciidan ah, Kuwaasi oo AMISOM Kala Wareegaya Amniga !

MUUQAAL: DF-Soomaliya oo shaacisay dhismaha 32-kun oo ciidan ah, Kuwaasi oo AMISOM Kala Wareegaya Amniga !

daajis.com:-Shir looga hadlayo sidii loo dhisi lahaa ciidamo Boolis ah oo tiradoodu gaareyso 32,000 oo isku dhaf ah kuwaasoo kala wareega amniga dalka marka ay dalka Soomaaliya ka baxaan ciidamada AMISOM ayaa maanta si rasmi ah ugaga furmay magaalada Muqdisho.


Shirkani oo socon doono muddo sedax maalmood ah ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka furey Wasiirka Aminga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed,kaasi oo u dhexeeya saraakiisha Booliska Heer Federaal iyo Heer Dowlad goboleed.

Ujeedada shirkani wadatashiga aha ayaa la xiriirta qorshayaal ku aadan sidii loo dhisi lahaa ciidamo isku dhaf ah oo Boolis ah, kuwaasi oo isugu jira heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, si ay isaga kaashadaan sugidda Amaanka Dalka iyo in Amisom ay kaal wareegaan guud ahaan Ammaanka Dalka.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxmed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay in la dhisayo ciidamo booliska ah oo gaaraya 32 kun, kuwaasi oo Amisom kala wareegi doona Amniga Dalka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada