DAAWO: Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo Kulan la Qaatay Gudiga Taakuleynta Ciidamadda Qalabka sida

DAAWO: Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo Kulan la Qaatay Gudiga Taakuleynta Ciidamadda Qalabka sida

daajis.com:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta la kulmay Guddiga Taakuleynta & Wacyi-gelinta Ciidamada Qalabka, waxana kulankani looga hadlay dar-dar gelinta howlaha muhiimka ah ee horyaalla.


Ra’iisul Wasaaraha iyo xubnaha guddiga ayaa ka wada hadlay qorshayaasha guud ee horyaala oo ay ka mid tahay dadaallada shacabka ee ku aaddan ka qayb qaadashada taakuleynta ciidamada iyo diyaarinta istaraatiijiyadda wacyi-gelinta laamaha kala duwan ee ciidamadda Qalabka Sida.

“Waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed iney gacan ka geystaan taakuleynta Ciidanka Qaranka, haddii aynaan gacanteena ku dhisan ciidan tayo leh ma jirto cid kale oo intay meel kale nooga timaada inoo dhiseysa”ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay Xukuumadda uu hoggaamiyo in mudnaan sare ay u leedahay dhismaha ciidamadda, isla markaana dhowrka sano ee soo socda laga gaari doono guul wax ku ool ah.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada