Dal Carbeed oo Dumarkooda u fasaxay in ay guursan karaan raga aan Muslimka aheyn

Dal Carbeed oo Dumarkooda u fasaxay in ay guursan karaan raga aan Muslimka aheyn

daajis.com:- Dawladda Tunuusiya ayaa meesha ka saartay sharci dumarka u diidayay in ay guursadaan ragga aan Muslimiinta ahayn.

Arrintan ayaa timid bil ka dib markii madaxweyne Beji Caid Essebsi uu ku baaqay in meesha laga saaro sharcigaas.

Hadalkaas ayuu ku soo daray khudbaddii uu ka jeediyay maalinta qaran ee dumarka dalkiisa.

Markii madaxweynaha Tunuusiya uu ka hadlayay in sharcigan meesha laga saaro wuxuu ku macneeyay in uu caqabad ku noqday xoriyaddii xulashada lamaanaha.

Sharcigan hadda la laalay ee dumarka Tunuusiya u diidayay in ay guursadaan ragga aan Muslimka ahayn wuxuu soo jiray tan iyo sannadkii 1973dii, haddana waxaa meesha ka saaray wasiirka caddaaladda.

Hadda ka dib raga aan Muslimka ahayn loogama baahno shahaado caddaynaysa in ay Muslimiin, marka ay rabaan in ay guursadaan dumarka Tunuusiya.

Dad badan oo reer Tunuusiya ah ayaa arrintan iyo sharciyo kale oo isbadal lagu sameeyay u arka tallaabo horrumar ah oo loo qaaday dhanka xuquuqda dumarka ee dalkaas.

Biishii Luulyo ee sannadkan baarlamaanka Tunuusiya ayaa soo saaray sharci cusub oo dumarka ka difaacaya kufsiga iyo shaqaaqadaha kale ee guryaha ka dhaca.
Waxaa sidoo kale dastuurka laga saaray qaybtii ragga kufsiga gaysta ciqaabta ka saamaxaysay haddii ay guursadaan gabadhii ay faraxumeeyeen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada