DAAWO:- Senator-kii lagu weeraray Muqdisho oo xog ka bixiyay qaabka uu u dhacay weerarka

DAAWO:- Senator-kii lagu weeraray Muqdisho oo xog ka bixiyay qaabka uu u dhacay weerarka

daajis.com:- Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia lagu weeraray Xildhibaan Xuseen Cali Xaaji oo ka tirsan Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia.

Xildhibaanka oo faahfaahin ka bixiyay weerarka ayaa marka hore sheegay in shaqsi ahaantiisa uusan xiligaa la socon gaariga.

Xildhibaanka waxa uu tilmaamay in gaariga ay kasoo qaaten Gabar iyo wiil uu adeer u ahaa kuwaa oo xiliga weerarka kusii jeeday Isbitaalka Digfeer, oo ku dhow goobta lagu weeraray oo aheyd agagaarka Isbitaal Suudaani ee Degmada Hodan.

Xildhibaanka waxa uu cadeeyay in gaarigiisa lagu horjaray gaari uu noocisa uu ku sheegay Spacio oo ay la socdeen dhalinyaro ku hubeysnaa hubka fudud kuwaa oo watay dareeska ciidamada.

”Waxaa lagu horgooyay gaari noociisa uu ahaa Spacio dabadeed waxaa ooda looga qaaday rasaas”

”Howsha weerarka waxaan uga danbeyn doonaa Hay’addaha amaanka iyaga ayaan ka sugayaa inay gacan bira kusoo dhigaan kuwa caadeystay inay ugaarsadaan madaxda”

Xildhibaan Xuseen Cali Xaaji waxa uu intaa raaciyay in weerarka ka dib ay u yimaadeen Saraakiisha Booliska iyo Nabad Suggida ee Degmada Hodan, ayna ku guda jiraan baaris amni, wixii baarista ka soo baxana uu dib ugala soo wadaagi doono Warbaahinta, sida uu hadalka u dhigay.

Mar wax laga weydiiyay khasaaraha ayuu sheegay in gabadha ay ka dhaawacantay garabka, halka wiilkuna uu bowdada ka dhaawacmay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada