Dawladda Ethiopia oo Xaqiijisay In Loo Dhiibay Qalbi-Dhagax (Daawo)

Dawladda Ethiopia oo Xaqiijisay In Loo Dhiibay Qalbi-Dhagax (Daawo)

daajis.com:- Dowladda Ethiopia ayaa markii ugu horreysay xaqiijisay in dowladda Soomaaliya ay u soo gacan galisay sarkaal ka tirsanaa ururka ONLF oo toddobaadkii hore la sheegay in lagu qabtay magaalada Gaalkacyo.


Dr. NEGERI Lencho, wasiirka arrimaha warbaahinta dowladda Ethiopia ayaa wareysi uu siiyay qeybta Afka Amxaariga ee idaacadda VOA ku sheegay in dowladda Somalia ay usoo gacan galisay Cabdikariim Sheekh Muuse oo ka tirsanaa ururka ONLF.

“Waxaan kuu xaqijiyay in Ethiopia loo soo gudbiyay sarkaalka ONLF ka tirsan, waxaana soo gudbinta ay ku dhacday heshiis nagala dhaxeeya dowladda Somalia. Mas’uulkan wuxuu ka tirsan yahay ururka ONLF oo ah urur argagixiso ah” ayuu yiri.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada