Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Somalia oo maanta Ka Doodaya arrinta Dhiibista Cabdikariin Qalbi-Dhagax

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Somalia oo maanta Ka Doodaya arrinta Dhiibista Cabdikariin Qalbi-Dhagax

daajis.com:- Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta ka doodaya go’aankii Xukuumadda ka qaadatay arrintii C/kariin Qalbi Dhagax oo ahaa Sarkaal ka tirsanaa Ururka ONLF, kaasoo bishii hore loo gacan geliyay dowladda Itoobiya.

Tallaabadan ninkan loogu gacan geliyay Itoobiya ayaa ka dhashay xiisad siyaasadeed iyo mid bulsho, iyadoo si weyn looga soo horjeestay.

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta oo Isniin ah ka doodaya arrinta Qalbi Dhagax iyo go’aankii Xukuumadda ka qaadatay 6-dii bishan.

Wararka ayaa sheegaya in xubnaha Aqalka sare ay aad uga soo horjeedaan tallaabada ninkan loogu gacan geliyay Itoobiya.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa sheegay in Goluhu uu go’aan ka gaarayo sax iyo qalad qaraarkii Xukuumadda ka qaadatay kiiskan oo Xukuumadda ku furay xaalado siyaasadeed.
Dad badan ayaa aaminsan hadii Aqalka sare uu diido go’aankii Xukuumadda ay culeys ku kordhineyso, isla markaana u sii horseedi karto in Golaha shacabka uu ku dhiirado inuu isna diido.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada