Madaxwayne Farmaajo oo Sucuudiga Maanta u dhoofay, Falanqayn iyo Xog

Madaxwayne Farmaajo oo Sucuudiga Maanta u dhoofay, Falanqayn iyo Xog

daajis.com:-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhow u ambabaxay dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kaddib markii uu martiqaad uu ka helay Boqorka dalkaas.

Diyaarad Qaas ah oo calanka Boqortooyada Sacuudiga laheyd ayaa loo soo diray Madaxweyne Farmaajo, waana markii labaad ee Sacuudiga diyaarad u soo dirto, kaddib booqashadii rasmiga aheyd ee uu ku tagay bishii February ee sanadkan.

Safar shaqo oo qaadanaaya muddo labo maalmood ah ayaa Madaxweynaha iyo wafidigiisu ay ku tagaayaan dalkaas, halkaas oo kulamo ay la qaadan doonaan Boqorka Sucuudiga Salmaan Binu Cabdi Casiis iyo dhaxal sugaha boqortooyada Maxamed Binu Salmaan.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ka warbixiyey safarka Madaxweynaha, waxa uuna sheegay in safarkan shaqo ee madaxweynaha uu dabo socdo safarradii hore ee u ku tagay dalkaas kuwaas oo lagu xoojinayey dhaqaalaha, amniga iyo maalgashiga.
Safarkan waxaa ku weheliya Madaxwenaha xubno uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Yuusuf Garaad Cumar iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu kala hadli doono Boqorka Sacuudiga, sidii loo fulin lahaa balan-qaadyo hore oo isugu jira taageero dhaqaale iyo mid mashaariic oo uu Sacuudigu balan qaaday markii Madaxweyne Farmaajo la doortay.

Dadka Falanqeeya arimaha Siyaasadda ayaa sheegaya  in Dowladda Sacuudigu  badashay Mowqifkeedii Soomaaliya, kaddib markii ay ku guuldaraysatay in ay cadaadis wax uga badasho Mowqifkii Soomaaliya ee arrinta Khaliijka.

Sucuudigu ayaa walwal wayn ka qaba inuu lumiyo doorkii siyaasadeed ee Soomaaliya, bacdamaa dowladaha Qadar, Masar, IRAN, Iyo Turkidu ay wadaan dadaal xooggan. Taas ayaana saldhig u ah Casuumadda ay mar kale Sucuudigu u fidiyeen Madaxwayne Farmaajo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada